Liverpool oo racfaan ka qaadanaysa ganaaxa Sadio Mane

Sadio Mane ayaa ciyaarta laga saaray qaybtii hore, iyadoo Man City ay ku hogaaminaysay 1-0 Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Sadio Mane ayaa ciyaarta laga saaray qaybtii hore, iyadoo Man City ay ku hogaaminaysay 1-0

Kooxda Liverpool ayaa racfaan ka qaadanaysa saddexda ciyaarood ee laga ganaaaxay Sadio Mane ka dib markii laga saaray ciyaartii ay Sabtidii la yeesheen Manchester City ee 5-0ta lagaga adkaaday.

Mane oo 25 jir ah ayaa ciyaarta laga saaray markii ay maraysay daqiiqaddii 37aad kadib markii lugta uu wajiga kaga dhuftay Ederson oo ah goolhaya Manchester City.

Ciyaaryahankan afka hore uga Qarankiisa Senegal ayaan ka qayb gali doonin ciyaaraha Horyaalka Ingiriiska ka tirsan ee Burnley iyo Leicester iyo ciyaar kale oo ka tirsan koobka EFL Cup oo kuwaas ka dib dhici doonta.

Haddii Liverpool ay ku guulaysato racfaanka, waxaa laga yaabaa in ganaaxa lagu soo koobo hal ama labo ciyaarood.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa Sabtidii sheegay in isaga iyo tababaraha Man City, Pep Guardiola aysan midkoodna qabin in laga saaro ciyaarta.