Tottenham oo soo afjartay ku badin la'antii Wembley

Harry Kane 28 gool ayuu dhaliyay 22kii kulan ee u dambeeyay ee uu u saftay kooxda Tottenham Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Harry Kane 28 gool ayuu dhaliyay 22kii kulan ee u dambeeyay ee uu u saftay kooxda Tottenham

Harry Kane ayaa labo gool dhaliyay iyadoo kooxda Tottenham ay ka badisay Borussia Dortmund.

Ciyaartan oo ahayd middii koobaad ee Champions League ka tirsan ee Tottenham dheesho ayaa u noqonaysa billaw wanaagsan.

Dhanka kalana Tottenham waxay soo afjartay ku badin la'aantii ka haysatay garoonka Wembley.

Falaadka ciyaaryahan Kane ee goosha horteeda ayaa ahaa farqiga u dhaxeeyay labada kooxood.

Laakiin kooxda Jermalka ka socotay ayaa inta badan maamulaysay ciyaarta oo kubadda lugahooda ku haysatay, taas ayaana kooxda Spurs ku qaaday in ay difaacgasho.

Tottenham waxaa goosha koobaad u dhaliyay Son Heung-min, balse waxaa daqiiqaddii 11 goosha barbarraha u dhaliyay Yarmolenko.

Kane ayaase gooshaas macno tiray isaga oo daqiiqaddii 15 gool u dhaliyay kooxdiisa, daqiiqaddii 60na mid kale ayuu ugu daray sidaas ayayna guushu ku raacday Tottenham, iyadoo ay ciyaartu ku soo dhammaatay 3-1.