Rooney oo aqbalay in uu isagoo khamraysan gaari waday
Saxaafadda oo sawirro ka qaadanaysa Wayne Rooney oo maxkamadda sii galayay
Ciyaaryahan Wayne Rooney ayaa maxkamad ka soo muuqday oo ogolaaday in isaga oo khamri cabsan uu gaari waday.
Kabtankii hore ee qaranka England iyo Manchester United ayaa la xiray ka dib markii ay booliisku istaajiyeen gaarigiisa oo marayay Wilmslow, Cheshire, saacadihii hore ee 1 Sabtembar.
Ciyaartoygan 31 jirka ah ayaa labo sano laga mamnuucay in uu gaari wado, waxaana lagu amray in uu bulshada u qabto boqol saac oo aan mushahaar la siinaynin, taas oo qayb ka ah 12 bilood oo uu bulshada u shaqayn doono.
Waxaa sidoo kale lagu xukumay in uu bixiyo 170 gini.
War qoraal ah oo uu soo saaray ka dib dhagaysiga xukunka maxkamadda ayuu yiri " Markii aan maxkamadda dhagaystay waxaaan doonayaa in aan bulshada ka raali galiyo arrintan aan la iska cafiyi karin ee ah in aan gaari waday aniga oo cabsan khamri ka badan intii loo ogolaa darawallada.
Xigashada Sawirka, PA
Wayne Rooney markii uu maxkamadda sii galayay
Maxkamadda ayaa go'aankan gaartay maalin uun ka dib markii koobaad ee uu dib ugu laabtay garoonka Old Trafford ee kooxda Manchester United, tan iyo markii uu dib ugu laabtay Everton.
Manchester United ayaa ciyaartaas 4-0 kaga badisay Everton.
Ciyaartoygan ku dhashay Liverpool ayaa xagaagan dib ugu laabtay naadiga Everton oo uu yaraantiisii u dheeli jiray ka hor intii uusan Manchester United ku biirin 13 sano ka hor.
Aabahan oo saddex carruur ah dhalay ayaa ah ciyaaryahanka goolasha ugu badan u dhaliyay xulka qaranka ee England.
Xigashada Sawirka, EPA