Neymar iyo Cavani oo ku dagaallamay rigoore

Neymar iyo Cavani Lahaanshaha sawirka Getty Images

Tababaraha naadiga Paris St-Germain, Unai Emery ayaa sheegay in uu dhex gali doono Neymar iyo Cavani haddii ay iskood uga heshiin waayaan murankii dhex maray.

Labadan dhaliye ayaa u muuqday in ay ku murmeen rigoore laadid intii ay socotay ciyaartii Lyon ay kaga badiyeen 2-0.

Cavani ayaa laaday rigoorihii la isku maandhaafay inkastoo uusan dhalinin oo laga qabtay.

Tababaraha oo arrintaas ka sii hadlaya ayaa yiri "waxaan u sheegay in ay iyagu hawshooda xalistaan," ayuu yiri Emery.

"Waxaan u arkaa in ay awoodaan iyagu xalliyaan arrintaas, labadoodubana rigooreyaasha way noo laadi doonaan, haddii ay ka heshiin waayaanse anaa u kala go'aamin doona."

Wuxuuna intaas ku daray ma doonayo in ay arrintan dhibaato nagu noqoto."

PSG ayaa ku badisay labo gool oo ay iska dhalisay kooxdii ay la dheelayeen ee Lyon, waxayna sii wadaan badinta 100% ah ee horyaalka Faransiiska ee Ligue 1.