Rio Ferdinand oo feedhyahan noqonaya

Rio Ferdinand Lahaanshaha sawirka Getty Images

Rio Ferdinand ayaa billaabaya xirfad cusub isaga oo feedhyahan noqonaya, labo sano ka dib markii uu ka fariistay kubadda cagta.

Tallaabadan uu ku dhaqaaqay 38 jirkan waxaa taageeray shirkadda khamaarka ee Betfair, oo warkan baahisay Talaadadan.

Ciyaaryahanka horay difaaca uga soo noqday Manchester United iyo England ayaa hadda TV wax ka falanqeeya.

"Sababta aan arrintan u samaynayo waa tartan," koobab ayaan horay ugu guulaystay haddana waxaan hiigsanayaa suun."

Baraha bulshada ayuu dhawr jeer soo galiyay muuqaalo uu iska duubay isaga feedhtamaya lana shaqaynaya Mel Deane oo shaqsiyan u tababaraya.

Ferdinand ayaa lix jeer ku guulaystay Horyaalka Ingiriiska, koobka Horyaallada Yurub ee Champions League mar ayuu ku guulaystay, wuxuuna raadkoodii hayaa Leon McKenzie oo afka hore uga dheeli jiray Crystal Palace iyo Curtis Woodhouse oo khadka dhexe uga dheeli jiray Birmingham City, kuwaas oo markii ay kubadda ka fariisteen noqday xirfadleyaal feedh oo rasmi ah.