Arsenal: si wanaagsan buu u socdaa wadahadalka Mesut Ozil

Ozil ayaa horraantii xilli ciyaareedkan sheegay in ciyaartoydii hore ay joojiyaan hadallada dhaliisha ah ayna taageeraan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ozil ayaa horraantii xilli ciyaareedkan sheegay in ciyaartoydii hore ay joojiyaan hadallada dhaliisha ah ayna taageeraan

Tababaraha Arsenal, Arsen Wenger ayaa sheegay in wadahadallada qandaraaska Mesut Ozil ay si wanaagsan u socdaan, laakiin "ay macquul tahay in isaga iyo Alexis Sanchez ay kooxda isaga tagaan bisha Janaayo.

Qandaraasyada Ozil iyo Sanches ayaa ku eg dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Mar la waydiiyay in uu xaqiijiyo hadalka ka soo yeeray wakiilka Ozil ee sheegaya in wadahadalladu ay "horumar samaynayaan" Wenger wuxuu yiri "sida aan fahamsanahay waa sidaas".

"Xaqiiqada ah in aanan heshiinin sannadkii hore kama dhigna in uu doonayo in uu kooxda ka tago".

Wuxuu intaas ku daray "labada ciyaartoyba waxay u muuqdaan in ay faraxsan yihiin, waxaana rajaynayaa in arrintooda wax laga qaban doono, laakiin hadda ma joogno wakhti aan ku dhawaaqi karno natiijo. Wadahadalladuse si wanaagsan ayay u socdaan.

Si kastaba ha ahaatee macalinkan Faransiiska ah wuxuu sheegay in kooxdu aysan wakhti cayiman u qaban in heshiis la gaaro.