Raheem Sterling oo qorshaynaya in uu wakhti dheer joogo Manchester City

Raheem Sterling Lahaanshaha sawirka Getty Images

Ciyaaryahanka qaranka England u dheela Raheem Sterling ayaa sheegay in mustaqbalkiisu uu yaallo Manchester City.

Arsenal ayaa aad u danaynaysay in ay ciyaaryahankan soo sixiixato xagaagii, isaga oo qayb ka noqon lahaa heshiis uu ku luglahaa Alexis Sanchez.

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola ayaa markaas sheegay insan jirin fursad uu kooxda kaga tagi lahaa 22 jirkaas.

Waxaa la waydiiyay in uu kooxda sii joogi doono wakhti dheer, Sterling ayaa markaas ku jawaabay: "Haa. Kooxda waxaan u sixiixay qandaraas shan sano ah. Waxaana ii dhiman labo sano iyo bar.

Sterling ayaa City kaga soo biiray kooxda Liverpool isaga oo laga soo siistay 49 milyan oo gini sannadkii 2015kii.

Bishii Agoosto ayaa la sheegay in uu danaynayay kala badalashada kooxaha.

Laakiin wuuxuu sheegay in aysan jirin aragti xun oo uu qabo uusanna u baahnayn in uu ka walwalo arrintaas.