Kooxda West Ham oo Bilic fursad siinaysa

Slaven Bilic Lahaanshaha sawirka .

Mulkiileyaasha kooxda West Ham ayaa wakhti dheeraad ah siin doona tababare Slaven Bilic si uu natiijo wanaagsan u keeno.

49 jirkan oo reer Croatia ayaa kooxda sii maamulidoona ugu yaraan labo kulan in kastoo Jimcihii ay 3-0 kaga badisay Brighton arrintaasna ay u horseeday in ay ka mid noqdaan kooxaha ugu dhibco hooseeya ee Horyaalka Ingiriiska.

Taageerayaasha ayaa ku orinayay intii ay socotay ciyaartii laga badiyay, kunaan ka mid ahna ciyaarta oo aan dhammaad u dhawayn ayay isaga baxeen garoonka.

West Ham ayaa kooxda Tottenham kula dheeli doonta garoonka Wembley Arbacada, kulankaas oo ka tirsan koobka Carabao Cup, markaas ka dibna Sabtida ayay u safridoonaan Crystal Palace.

"Ma jirto wax aan ku gabanayo. Waa masuuliyaddayda guddiga kooxda maamula ayayma u taalaa" ayuu yiri Bilic ka dib markii ay soo wajahday guuldarradii Brighton.

David Sullivan oo saami ku leh naadigan Hammers lagu naanayso ayaa yiri waa in aad "ixtiraamtaa" qandaraaska shaqaalaha in ay "inta ay xaaladdu meel xun ka gaarayso".

West Ham ayaa laga badiyay saddexdii ciyaarood ee u horreeyay xilli ciyaareedka arrintaas oo horseeday in lagu baaqo in shaqada laga eryo, laakii sideed dhibcood oo uu ka helay shantii kulan ee xigay ayaa baaqaas sii dardargaliyay.

Sikastaba ha ahaatee markii ay soo wajahday guuldarrada Brighton ayuu Bilic raaligaliyay taageereyaasha wuxuuna sheegay in ay " u qalmaan si sidan ka wanaagsan".