Ronald Koeman oo la filayo in uu hogaamiyo kulanka Chelsea

Ronald Koeman Lahaanshaha sawirka Getty Images

Tababaraha Everton, Ronald Koeman ayaa la filayaa in uu kooxda tababare ka sii ahaan doono ciyaarta ay Arbacada la yeelanayaan Chelsea ee ka tirsan wareegga afraad ee koobka Carabao Cup.

Inkastoo ay jiraaan warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalkiisa ka dib markii ay Arsenal kaga badisay 5-2, haddana ninkan reer Netherlands si caadi ah ayuu tababarka u waday Isniintan.

Naadigan lagu naanayso Toffees ayaa hadda ku jira kaalinta 18 ee Horyaalka Ingiriiska, sagaalkii kulan ee ay xilli ciyaareedkan dheeleenna labo kulan oo kali ah ayay ka badiyeen.

"Wali waxaan rumaysanahay in aan xaaladda oo dhan badali karo," ayuu yiri Koeman Isniintii.

Mulkiilaha kooxda Everton, Farhad Moshiri ayaa dhawaan taageero u muujiyay Koeman ka dib markii ay Burnley kaga badisay 1-0, waxaa kale oo ay barbaro galeen Brighton halka ay guuldarrana kala kulmeen Lyon oo ay isku arkeen ciyaar ka tirsan Europa League ka hor intii aysan jugta culus kala kulmin Arsenal.

Ka dib markii uu Southampton kaga soo biiray xagaagii hore, 54 jirkan ayaa Everton u horseeday in ay kaalinta toddobaad gasho ayna iska xaadiriso koobka Europa League.

Laakiin waxaa ciriiri ku jirta fursaddii ay kaga soo bixi lahaayeen kooxaha ay ku wada jiraan horinta E ee koobka Europa League ka dib markii ay guuldarro kala kulmeen Atalanta iyo Lyon barbarana ay la galeen Apollon Limassol, taas oo u horseeday in ay iyagu ugu hooseeyaan shaxda.

Koeman iyo walaalkii Erwin oo caawiye u ah ayaa hadda qorshaynaya sidii ay Chelsea uga badin lahaayeen ayna u noolayn lahaayeen rajada koobka League Cup oo aysan kooxdu waligeed qaadin.