Everton oo eriday tababaraheedii

Koeman Isniintii ayaa la eryey Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Koeman Isniintii ayaa la eryey

Ronald Koeman ayaa sheegay inuu ka xun yahay in laga eryo tababare-nimada kooxda Everton, ka dib 16 bilood oo uu kooxda hogaanka u hayey.

Koeman waxaa la eryey Isniintii, ka dib guul darradii 5-2 ay dhabarka u saartay kooxdiisa Axaddii Arsenal, oo everton ay gashay seddexda kooxood ee dib ugu laabanaya heerka labaad.

Hadal uu soo saaray ayuu tababarahaas u dhashay Netherlands ugu mahad celiyey cayaartoyda iyo shaqaalaha naadiga.

"Waxaan jeclahay in aan u mahad celiyo taageerayaasha, sida jacaylka leh ee ay u taageeraan naadiga" ayuu ku yiri 54 jirkaas hadal qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter.

Everton waxay iminka ku jirtaa kaalinta 18aad, waxayna leedahay 8 dhibcood oo ay ka heshay sagaalkii cayaarood ee ay dheeshay.

Koeman wuxuu kooxda u rajeeyey nasiib wanaagsan, waxaana si ku-meel-gaar-ah kooxda u sii laylin doona tababaraha dhallinyarada 23 sano ka yar ee kooxda David Unsworth.