Mustaqbalka Arsene Wenger oo laga arrinsan doono

Wenger Lahaanshaha sawirka Getty Images

Guddiga maamula kooxda Arsenal ayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan dib u eegi doona shaqada tababare Arsene Wenger.

Macallinkan Faransiiska u dhashay ayaa sixiixay qandaraas labo sano ah xagaagii, si uu u sii kordhiyo 21ka sano ee uu kooxda laylinayay.

Isaga oo Khamiistii ka hadlayay kulanwaynaha sannad laha ah ee kooxda ayuu tilmaamay in wadahadalka mustaqbalkiisa looga arrinsanayo ay billaaban doonaan dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Isla hadalkaas ayuuna mar kale ka xaqiijiyay shir jaraa'id oo uu qabtay.

"Waxaan doonayaa in aan ogaado sida guddiga maamula kooxdu uu u arko shaqadayda," ayuu yiri Wenger.

"Markaaas ka dib waxaan go'aansan doona meesha aan halkaas uga anbaqaadayno, rabitaankaygu wuxuu marwalbe ahaa in aan ixtiraamo qandaraaskayga, waana taas waxa aan ula jeedo."