"Muran kama taagna cidda rigooraha u laadaysa Manchester United"

Lukaku iyo Ander Herrera labadooduba waxay rabeen in ay rigooraha laadaan ka hor intii aan lagu wareejinin Blind Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Lukaku iyo Ander Herrera labadooduba waxay rabeen in ay rigooraha laadaan ka hor intii aan lagu wareejinin Blind

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in aysan ahayn in muran ka dhasho go'aanka uu Romelu Lukaku kaga hor istaagay rigoorihii soo afjari lahaa lixdii ciyaarood ee uusan goosha dhalinin.

Lukaku ayaa lagu soo iibsaday 90 milyan oo gini, qaar ka mid ah taageereyaasha ayaana ku dhaliilay in uusan gool dhalinin tan iyo bishii Sabtembar.

Rigoore ayuu salaxday oo dhigay meesha laga laato, balse waxaa laaday Daley Blind.

Rigoorahaas oo ahaa kii labaad ayaa qayb ka ahaa ciyaartii 2-0ka ay ku badisay United ee ay la yeelatay Benfica.

"Ciyaartoydu go'aankayga ayay ixtiraameen. Sheekaduna intaas ayay ku egtahay ayuu yiri Mourinho.

"Go'aankayga waxaan ku saleeyay wixii aan tababarka ku samaynay maalmihii u dambeeyay, Blind ayuuna ahaa. Ma arko muran sababtoo ah wax wayn ma dhicin.

Blind gooshii uu dhaliyay daqiiqaddii 78aad ayaa ka dhigan in United ay hal dhibic u baahan tahay si ay ugu gudubta wareegga xiga iyadoo labo ciyaaroodna ay u sii dhiman tahay.