Shaqada tababaraha Ugandha oo "200 oo qof ay codsadeen"

Moses Basena Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Tababaraha ku meel gaarka ah Interim coach ayaa ka mid ah dadka codsaday shaqada

Tababaraha hadda ee ku meel gaarka ah, Moses Basena waxaa macallim nimada ku haysta Claude LeRoy oo u dhashay dalka Togo.

codsiyada ayaa kor u dhaafaya 200, sida uu sheegay xiriirka kubadda cagta ee Ugandha.

"Waxaan ahaa kaaliye tababare, waxaana gacan ka geystay in kooxda ay gaarto tartanka qaramada Afrika ee 2017-ka," Basena ayaa sidaa u sheegay BBC-da.

Tababaraha shaqada ku guuleysta waxaa la shaacin doonaa 15-ka November.

Basena, oo sidoo kale macallim u ah kooxda UPDF FC oo horyaalka koobaad ka ciyaarta, ayaa shaqada xulka qaranka qabtay ka dib markii uu iscasilay tababarihii hore oo u dhashay Serbia, Milutin 'Micho', laba bilood ka hor.

Xilligaa ka dib, kaaliyihii hore ee Micho wuxuu Ugandha gaarsiiyay tartanka horyaalka Afrika 2018-ka ee CHAN.

Basena wuxuu sidoo kale macallim u ahaa xulka qaranka markii Ugandha ay 1-0 ku garaacay Masar, kulan ka mid ahaa tartanka loogu soo baxayay Koobka Adduunka ee 2018-ka.

"Waxaan leeyahay xirfadda lagu maareeyo xulka qaranka sababtoo ah waxaan leeyahay khibrad wanaagsan," ayuu yiri Basena.

Farsamo yaqaanka caanka ah LeRoy, oo Cameroon u hoggaamiyay guushii tartankii Qaramada Afrika ee 1988, ayaa doonaya in uu layliyo kooxdii todobaad ee qaaradda.

Horey wuxuu macallim ugu soo noqday dalal ay ka mid yihiin Senegal, Ghana, Congo, DR Congo iyo dalkiisa Togo.

Ninkan wuxuu lix goor gaaray is reereebka tartanka Qaramada Afrika, wuxuuna weli macallim u yahay kooxda Hawks oo qandaraaskiisa laba sano uga harsan yahay.

Sidoo kale macallimka u dhashay Portugal, Joao Miguel de Castro Ferreira oo 34 jir ah, oo tababare ka ah tartanka UEFA, marna laylin jiray kooxo ka dhisan Portugal iyo Sucuudiga ayaa shaqada codsaday.

xilka layliyaha xulka qaranka ee Ugandha ayaa bannaanaatay ka dib markii Sredojevic uu iscasilay markii qaladaad mushaar la'aan ah ay dhaceen.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan