Salah oo mar kale gool dhaliyay iyadoo Liverpool ay garaacday Maribor

Emre Can Lahaanshaha sawirka Getty Images

Liverpool ayaa u sii dhawaatay u gudbitaanka wareegga kala bixitaanka ee Champions League oo ay ugu dambaysay xilli ciyaareedkii 2008-09kii, ka dib markii ay guul ay dadaal badan galiyeen ka gaartay ciyaartii ay la yeelatay Maribor.

Maxamed Saalax ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta soo afjaray is mariwaagii, isagoo si xariifnimo ah gool u dhaliyay.

Laakiin gool haye Jasmin Handanovic oo 39 jir ah ayaa si qurux badan rigoore uga badbaadiyay James Milner oo reer Liverpool ah.

Emre Can oo khadka dhexe ka dheela ayay isu baasbaaseen kubadda Milner gooshii labaadna dhaliyay, markii dambana Daniel Sturridge ayaa gooshii saddexaad dhaliyay.

Liverpool ayaa qaybtii hore ee ciyaarta hadhaysay iyadoo kubadda haysatay 83% laakiin shabaqa ayaa looga dhaartay.

Naadiga uu layliyo tababare Jurgen Klopp ayaa dhibcaha ku hogaaminaysa kooxaha ay ku wada jiraan horrinta E, walina lagama badinin.

Siddeed dhibcood ayayna ka heleen afar kulan oo ay dheeleen.