Pirlo oo ciyaaraha ka fariistay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dib u milicso sidii Pirlo uu rigooraha uga dhaliyay England

Andrea Pirlo oo horay dhexda ooga dheeli jiray dalka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay in uu ciyaaraha ka fariistay, ka dib markii uu ciyaartii u dambaysay u saftay New York City.

Ciyaaryahankan 38 jirka ah ayaa qaranka Talyaaniga u dheelay 116 kulan, wuxuuna ka caawiyay in uu ku guulaysto Koobkii Adduunka ee 2006dii.

Pirlo ayaa ciyaaraha ka billaabay Brescia intaas ka dibna wuxuu u soo saftay naadiyada kala ah, AC Milan iyo Juventus ka dibna wuxuu ku soo khatimay kooxda New York City ee dalka Maraykanka ka dhisan oo uu labo sano ka ciyaaray.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Pirlo oo ah laacib Talyaaniga u dhashay ayaa gooshan ka dhaliyay Koobka Adduunka

Qoraal uu Twitter-ka soo galiyay Pirlo ayuu ugu mahadceliyay kooxihii uu horay ugu soo dheelay iyo ciyaartoydii ay isla soo ciyaari jireen isaga oo sheegay in ay sharaf u ahayd.

Juventus oo uu horay ugu soo dheelay ayaa ku tilmaantay "hanad dhab ah"

Tababaraha kooxda New York City, Patrick Vieira ayaa sheegay in Pirlo "uu kubadda cagta wax wayn ka badalay".

Lahaanshaha sawirka Rex Features

Waxyaabaha uu Pirlo xaqiijiyay intii uu ciyaaraha ku soo jiray

872 ciyaarood ayuu dheelay

6 jeer ayuuu ku guulaystay horyaalka Talyaaniga ee Serie A

2 jeer ayuu ku guulaystay koobka Coppa Italia

2 jeer ayuu hantay koobka Horyaallada Yurub ee Champions League

1 mar ayuu qaaday Koobka Adduunka

Kooxihii uu horay ugu soo dheelay iyo dad badan oo kale ayaa wanaag u rajeeyay Pirlo, sida ka muuqata Twitter-radan hoose ka muuqataa.

Lahaanshaha sawirka Twitter
Image caption Kooxda New York City FC ayaa Twitter mahadnaq ah u soo qoray ciyaaryahan koodii hore
Lahaanshaha sawirka Twitter
Image caption AC Milan wanaag ayay u rajaysay Pirlo waxayna soo taxeen guulihii uu la gaaray tobankii sano ee uu u dheelayay
Lahaanshaha sawirka Twitter
Image caption Juventus ayaa iyaduna u mahadcelisay ninkan guulaha badan u soo hoyiyay afartii sano ee uu la joogay
Lahaanshaha sawirka Twitter
Image caption Ciyaaryahankii hore ee England dhaliyaha u ahaa Gary Lineker ayaa ammaanay guulaha uu xaqiijiyay Pirlo