West Ham oo tababare u magacawday David Moyes

David Moyes ayaa 11 sano soo tabobaray kooxda Everton ka hor intii uusan macalin u noqonin Manchester United, Real Sociedad iyo Sunderland Lahaanshaha sawirka .
Image caption David Moyes ayaa 11 sano soo tabobaray kooxda Everton ka hor intii uusan macalin u noqonin Manchester United, Real Sociedad iyo Sunderland

Tababarihii hore ee Everton iyo Manchester United ayaa badalay Slaven Bilic oo laga eryay Isniintii koox ka mid ah kuwa ugu dhibco hooseeya horyaalka Ingiriiska.

Moyes ayaa shaqo la'aan ahaa tan iyo bishii May ka dib markii uu iska casilay tababarenimada Sunderland ka dib markii ay kooxdaasi hoos ugu dhacday koobka Championship-ka.

David Sullivan oo madax ka ah kooxda lagu naanayso Hammers ayaa sheegay in tababarahan 54 jirka ah "uu yahay ninkii saxda ahaa ee waddada toosan cagta u saari lahaa kooxda".

Wuxuu yiri: "Waxaan u baahannahay qof khibrad iyo aqoon u leh Horyaalka Ingiriiska iyo ciyaartoyda, waxaana rumaysannahay in David uu yahay qof ciyaartoyda si fiican uga shaqaysiin kara".