Saddex taageere kali ah oo u daawasho tagay ciyaarta Sunderland

Grimsby Town Lahaanshaha sawirka Grimsby Town
Image caption Grimsby Town ayaa tweeter-kooda soo dhiigay taageerayaashan u go'ay Sunderland

Saddex ruux oo taageera Sunderland oo kali ah ayaa safray 154 mayl si ay u soo daawadaan kooxdooda dhallinyarada ay da'doodu ka hoosayso 21ka, sida ay sheegtay kooxda Grimsby Town oo martigalisay.

Sunderland oo ka dhacday Horyaalka Ingiriiska Premier League xilli ciyaareedkii hore ayaa meesha u hoosaysa kaga jirta koobka Championship-ka ee tababare la'aanna ah, ka dib markii ay eriday Simon Grayson 31 Oktoobar ka dib markii uu 18 ciyaarood laylinayay kooxda.

Taageerayaasha Grimsby ayaan sidoo kale isaga joogay daawashada ciyaartii ka dhacday garoonka Blundell Park, kooxdan koobka saddexaad ee ugu qiimo badan Ingiriiska ka ciyaartana waxay Twitterka ku soo qortay in taageerayaasha soo xaadiray ay ahaayeen 248 taas oo aad uga yar in kabadan 4,000 ee caadiyan ka soo qaybgali jirtay.

Lahaanshaha sawirka Richard Mennear
Image caption Sunderland Echo's Richard Mennear suggested a carshare for the Sunderland fans

Ma jirin wax dadka ku qaadayay in ay daawadaan maadaama midkoodna uusan awoodin in ay u gudbaan wareegga kala bixitaanka.

Inkastoo kooxda Grimsby ay Twitterka ku soo qortay in saddex ruux oo kali ah ay ahaayeen taageerayaasha kooxda martida ah haddana Sunderland Echo ayaa tiradaas laba jibaar ka dhigay oo ku warramay in toddobo taageere ay soo xaadireen.