Croatia oo ku durdurisay Giriigga

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Luka Modri ayaa dhaliyay goosha koobaad ee rigooraha ah

Croatia ayaa kala daadisay difaacii Giriigga iyaga si wanaagsan uga raayay Giriigga oo ay ku martigaliyeen caasimaddooda Zagreb.

Ciyaartaas ayaa ah is aragga koobaad ee labada kulan ee isku celis ah ee loogu soo baxayo Koobka Adduunka.

Goolhayaha Giriigga Orestis Karnezis oo taabasho khalad ah sameeyay ayaa horseeday rigoore qaybtii hore ee ciyaarta laga dhigay, kaas oo uu gool u badalay Luka Modric.

Nikola Kalinic ayaa goosha labaad u dhaliyay Croatia laakiin but Sokratis Papastathopoulos ayaa gool qurux badan oo madaxa ah u dhaliyay Giriigga.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Goosha Modric ayaa billaw fiican u noqday Croatia

Ivan Perisic ayaa goosha saddexaad u dhaliyay Croatia ka hor intii aysan dhammaanin qaybtii hore ee ciyaarta.

Kramaric ayaa goosha afraad dhaliyay sidaas ayayna ciyaartii ugu soo dhammaatay afar iyo hal.