Serena Williams oo guursatay Alexis Ohanian

Alexis Ohanian and Serena Williams Lahaanshaha sawirka Getty Images

Serena Williams ayaa guursatay Alexis Ohanian oo wax ka aasaasay Reddit, iyaga oo dhigtay mid ka mid ah aroosyadii ugu waawaynaa ee sannadkan.

Dad badan oo magac leh oo ay ka mid yihiin Beyonce, Kim Kardashian iyo Eva Longoria ayaa ka qaybgalay xalfadda oo ka dhacday New Orleans Khamiistii.

Qaybtii ay xalfaddu ka dhacay ee magaalada ayaa la xiray oo laamaha ammaanku isku gadaameen.

Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Waddooyinka New Orleans ayaa loo xiray arooska

Dadka kale ee ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa Caroline Wozniacki, Kelly Rowland, Ciara, La La Anthony iyo tifaaftiraha Vogue Anna Wintour, sida uu ku warramay wargayska Dail Mail.

Waxaa lagu warramay in arooska uu ku baxay dhaqaale ka badan hal milyan oo doolar, martidana waxaa laga dalbaday in aysan taleefoonnada gacantooda la imaanin maadaama oo jaraa'idka Vogue oo kali ah xuquuq loo siiyay.

Tababaraheeda Patrick Mouratoglou ayaa Sarena u rajeeyay "aroos wanaagsan" isaga oo Instagram fariin soo dhigay.

Wuxuu yiri: "wanaag ayaan kuu rajaynayaa maalintan khaaska ah."