Talyaaniga oo xagga ciyaaraha kaga sare maray England inkastoo uu ka haray Koobka Adduunka

Sweden ayaa Talyaaniga ka reebtay Koobka Adduunka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Sweden ayaa Talyaaniga ka reebtay Koobka Adduunka

England ayaa ka hoosmartay Talyaaniga marka la fiiriyo shaxda ay soo saartay Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee Fifa inkastoo Talyaanigu ka haray Koobka Adduunka markii u horraysay tan iyo sannadkii 1958dii.

Sweden ayaa ka reebtay Koobka Adduunka ka dib ciyaar la isku celiyay, haddana iyadoo ay saas tahay ayay Talyaaanigu noqdeen xulka 14 ee adduunka ugu wanaagsan iyagoo ka sii saro maray darajadii ay markii hore haysteen.

England ayaa barbarro la gashay Jermalka iyo Brazil oo ay ciyaaro saaxiibtinimo ah dhex martay bishii Nofeembar balse saddex darajo ayay hoos u dhacday waxayna gashay kaalinta 15aad.

Jermalka oo Koobka Adduunka difaacanaya ayaa wali kaalinta koobaad ku jira, Wales ayaa iyaduna shan darajo hoos u dhacday oo kaalinta 19 gashay, Northern Ireland ayaa iyaduna hoos ugu dhacday kaalinta 24aad, Scotland kaalinta 32 ayay dib ugu sii dhacday.

Senegal ayaa bishan sare ukicii ugu badnaa samaysay waxayna gashay kaalinta sagaalaad iyadoo ka soo kacday kaalinta 23aad.

Soomaaliyana waxay ku jirtaa kaalinta 206aad, Itoobiya waxay ku jirtaa kaalinta 145aad halka ay Kenyana kaga jirto kaalinta 111aad.

Shaxda Fifa ee tobanka dal ee ugu wanaagsan kubbadda cagta adduunka

1. Germany

2. Brazil

3. Portugal

4. Argentina

5. Belgium

6. Spain

7. Poland

8. Switzerland

9. France

10. Chile