Isku-aadka Koobka Aduunka

Isku-aadka Koobka Aduunka
Image caption Isku-aadka Koobka Aduunka

Isku-aadka kooxaha ka qaybgalaya tartanka kubadda cagta aduunka ayaa u muuqda mid kooxaha la isku-aadiyay ay si weyn u kala duwan yihiin.

Kooxda England ka socota waxaa lagu beeggay wadamada Panama,Belguimka iyo Tunisia oo Afrika ka socota.

Kooxda Panama waa markii ugu horaysay oo ay ka qaybgasho tartanka kubada cagta aduunka.

Kooxda England waxay ciyaartooda ugu horraysa la yeelanaysaa kooxda Tunisia 18-ka bisha June sanadka 2018-ka.

Ruushka oo tartanka martigelinaya waxa isla bilaabayaan kooxda dalka Sacuudiga waana ciyaarta ugu horraysa ee tartanka lagu furi doono.

Kooxda koobkan aduunka haysata ee Jarmalka waxay isku-aadeen Mexico, Sweden iyo South Korea.

Ciyaarahan waxay ka dhacayaan 12 garoon oo Ruushka ku yaalla waxaana la daahfurayaa 14-ka bisha June 2018-ka ilaa 15-July.