Maxaa u dambeeyey wararkii ciyaaraha England ?

BBC
Image caption Sterling waxa uu ka mid yahay ciyaaryahanada ugu wanaagsan Horyaalka England

Tartanka kubadda cagta ee Egland ayaa maraya meel xasaasi ah waxaana maanta oo Sabti dhacaya ciyaaro kale oo ka mid horyaalka England

Ciyaarta sida weyn loo sugayo waa mida dhexmari doonta labada koox ee Manchester City iyo Tottenham.

Kooxda Manchester City ayaa ciyaartaasi martigelin doonta oo waxa ay ka dhacaysaa garoonkeeda Etihad Stadium.

Kooxda Man City waxa ay hogaaminaysaa xaga kalahoraynta dhibcaha. Waxayna sidoo kale dhigtay rikoor cusub oo ah inay afar iyo tobon ciyaar oo isku xigta badisay.

Mid ka mid ah weeraryahanadeeda ugu da'da yar kooxdaasi Raheem Sterling oo dhowaan hadlay ayaa sheegay 'Marwalba waan isdhaliilaa oo waxaan doonayaa inaan kasii wanaagsanaado qaabka aan hadda u ciyaaro'

Weeraryahanka Ingiriiska ah ayaa ku jirra xili aad u wanaagsan waxuuna ka mid yahay xidigaha ay sida weyn kooxda ugu tiirsan tahay.

Dhinaca kale difaaca reer Senegal ee kooxda Manchester United u ciyaarada ee Eric Bailly ayaa garoomada ka maqnaan doona mudo sadax bilood ah.

Eric Bailly ayaa qaliin looga samayn doonaa jilibka oo dhowaan uu dhaawac ka soo gaaray.