Real Madrid oo qaadday koobka naadiyada adduunka

Real Madrid oo noqotay kooxdii ugu guulaha badnayd 2017 Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Real Madrid oo noqotay kooxdii ugu guulaha badnayd 2017

Weeraryahanka Real Madrid, Cristiano Ronaldo ayaa ku sii socda dhabbihii guulaha, isagoo kooxdiisa u soo hooyey koob kale, ka dib markii uu dhaliyey goolka kaliya ee ay uga badiyeen Gremio, cayaartii kama dambaysta ahayd ee koobka naadiyada adduunka.

Laacibkan 32 jirka ah ee u dhashay Boortaqiiska ayaa laad xor ah daba mariyey goolhayaha kooxda Gremio daqiiqaddii 53aad, waxayna Real Madrid noqotay kooxdii ugu horraysay ee koobkaas laba goor oo isku xigta qaadda.

Horraantii bishan ayuu Ronaldo markii 5aad ku guulaystay abaalmarinta Ballon d'Or, wuxuuna isku caleemo saaray inuu yahay "cayaartoygii ugu wanaagsanaa taariikhda".

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ronaldo wuxuu dhaliyey goolka ay kooxdiisu ku guulaysatay

"Tirooyinka iyagaa is sheega" ayuu yiri.

"Weli waxaan dareemayaa in aan awood u leeyahay in aan ku sii socdo dhabbaha guulahayga ka ciyaartoy ahaan, oo aan ku guulaysto koobab, taasoo ah mid aan aad u jeclahay" ayu sii raaciyey.

Guushii Abu Dhabi ee Sabtidii ayaa Real Madrid waxay uga dhigan tahay mid taariikhi ah.

2017 waxay kooxdu ku guulaysatay koobka horyaallada yurub (champions league), horyaalka La Liga, koobka Uefa Super Cup, Spanish Super Cup, iyo midkan ugu dambeeya ee ah koobka naadiyada adduunka.