Koobka Qaramada kubadda cagta ee qaaradda Afrika ee CHAN oo maanta Marooko ka furmaya

Xulka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa ku guulaystay tartankan CHAN hasayeeshee koobka uu haysto kuma difaacanayo Marooko Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xulka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa ku guulaystay tartankan CHAN hasayeeshee koobka uu haysto kuma difaacanayo Marooko

Maanta oo Sabti ah waxaa magaalada Casablanca ee waddanka Marooko ka bilaabanaya tartankii shanaad ee Koobka Qaramada kubadda cagta ee qaaradda Afrika ee CHAN loo soo gaabiyo.

Tartanka ayaa waxaa lagu daah furayaa Marooko oo tartankan martigelinaysa iyo dalka ay dariska yihiin ee Mauritania.

Tartankan oo ay dheelaan ciyaartoyda ka dheesha horyaallada qaaradda Afrika ayaa waxaa ku loolamaya 16 kooxood.

Marooko ayaa isu soo taagtay martigelinta tartankan wax ka yar saddex bilood markii ay ka harsan tahay qabashadiisa kaddib markii Xiriirka Kubadda Cagta ee Afrika uu go'aamiyay in Kenya aanay diyaar u aheyn inay tartankan qabanqaabiso.

Marooko ayaa waxa ay doonaysaa inay muujiso awoodda ay u leedahay inay qabanqaabiso tartan weyn iyadoo isku dayayso inay u tartanto qabashada Koobka Adduunka ee 2026.

Dhanka kale ciyaartoyda Marooko ee tartanka ka qeyb qaadanaysa ayaa waxa ay danaynayaan inay taageerayaashooda xamaasadda badan ku soo hor bandhigaan ciyaaro wanaagsan, si ay sare ugu qaadaan fursadda loogu dari karo xulka qaranka Marooko ee ka qeyb qaadan doono tartanka Koobka Adduunka ee sanadkan ka dhici doona waddanka Ruushka, si ay uga garab dheeleen ciyaartoyda Marooko ee dibadaha ka dheela.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ashraf Bencharki ayaa laga yaabaa inuu soo bandhigo ciyaaro wanaagsan si uu boos uga helo xulka Marooko ee ka qeyb qaadan dooona Koobka Adduunka

Isreebreebka tartanka Koobka Qaramada kubadda cagta ee qaaradda Afrika ayaa waxaa lagu saleeyaa ciyaartoyda ka dheesha qaaradda, iyadoo xulka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ee haysta koobka loo tartamayo uu ciyaarahan ka maqan yahay ayaa dhanka kale waxaa markoodii ugu horreysay tartankan ka qeybgalaya xulalka Namibia iyo Equatorial Guinea.

Halka Marooko ay dad u arkaan inay tahay kooxda ugu cadcad ee tartanka ayaanan haddana la saadaalin karin cidda ku guulaysan karta tartanka.

Ilaa iyo hadda ma ay jirto cid tartankan martigelisay oo ku guulaysatay, iyadoo Liibiya oo tartankan qaadday 2014 ay sanadkan doonayso inay markale ku guulaysato tartanka si ay ula simanto xulka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo oo laba jeer ku guulaystay tartankan.

Mowduucyada la xiriira