Sanchez ma u wareegi doonaa Man city?

Alexis Sanchez Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Alexis Sanchez

Manchester city ayaa la sheegayaa in ay qarka u saaran tahay inay weydo Alexis Sanchez oo ay dhici karto inuu Manchester United u tago, sababo la xiriira lacagta lagula kala wareegayo cayaartoyga, ayadoo kooxda Arsenal ay doonayso in laga siisto 35 Malyan oo gini.

Waxaa la fahamsan yahay in wakiilka cayaartoyga uu doonayo 5 Malyan oo gini oo isaga u gaar ah, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 40 malyan oo gini.

Sanchez oo 29 jir ah ayaa lagu wadaa in bishan January uu ka tago Arsenal haddii la helo cid shuruudahaas ku gadata iyo qof kaalintiisii beddela.

Sidoo kale kooxda faransiiska ee PSG ayaa lala xiriirinayaa inay danaynayso cayaartoyga reer Chile.

Alexis Sanches ayaa hore ugu biiri lahaa Manchester city xilligii kala iibsiga cayaartoyda ee kulaylaha, markaasoo lagu heshiiyey adduun gaaraya 60 Malyan oo gini, hase yeeshee Arsenal ayaa dib uga noqotay, ka dib markii ay u suurtoobi weyday inay la soo wareegto laacibka faransiiska ah ee khadka dhexe uga cayaara Monaco ee Thomas Lemar.

Mowduucyada la xiriira