Kulammada Premier League ee Sabtida

Astaanta Horyaalka Ingiriiska eePremier League-ga

Maanta waxaa la dheelayaa kulamo muhiim ah oo ka tirsan Horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga.

Malaha ciyaarta ugu xiisaha badanna waa midda dhexmari doonta labada kooxood ee ka wada dhisan magaalada London ee uu xifiiltanka ba'an ka dhaxeeyo ee Tottenham iyo Arsenal.

Laacibka kooxda Tottenham Harry Kane ayaa sheegay inuu rajaynayo inay ka aargoosan doonaan kooxda Arsenal markii ay maanta wada dheelaan.

Ciyaaraha kalana Everton waxa ay garoonkeeda ku martigelinaysaa kooxda Crystal Palace.

Stoke iyo Brighton Waa ay wada ciyaari doonaan.

Swansea oo maalmahan la qaban la'yahayna waxa ay la ciyaari doontaa kooxda ay ka jajabneyd ee Burnley.

Halka West United iyo Watford-na ay ciyaar adag dhexmari doonto.

Ciyaarta ugu dambeysana waxaa caawa ku kulmi doona kooxda Horyaalka hogaaminaysa ee Manchester City oo ka hortegi doonta kooxda Leicester (Lestar) City.

Mowduucyada la xiriira