Uefa oo ka dalbatay garsoorayaasha inay ilaaliyaan ciyaartoyda

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Uefa oo ka dalbatay garsoorayaasha inay ilaaliyaan ciyaartoyda

Ururka xiriirka kubadda cagta ee Uefa ayaa ugu baaqay garsoorayaasha in ay ilaaliyaan ciyaaryahanada dhaawaca loo geysto xili ciyaareedka.

Tani waxay imaaneysaa kaddib markii tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola uu u sheegay in uu jawaab ka doonayo dhawaaca loo geystay ciyaaryahan Leroy Sane bishii Janaayo xilli ay la ciyaaraayeen kooxda Cardiff ee kulankoodi koobka FA-ga.

Natiijada ciyaaraha horyaalka Yurub ee xalay dhacay

Natiijooyinka Ciyaaraha Horyaalka England

Wararka horyaalka Ingiriiska

Uefa ayaa u sheegtay garsoorayaasha in ay xil iska saaraan badbaadinta ciyaaryahanka.

''Waxaan u baahannahay ciyaaryahannada in ay si wanaagsan loo ilaaliyo'', waxaa sidaa yiri u qaabilsanaha arrimaha garsoorayaasha ee Uefa Pierluigi Collina.

''Ma dooneyno marxalad dhelin karta in mustaqbalka ciyaaryahan uu galo khatar''.

''Ciyaaryahannada iyaguna waa in ay fahmaan in looga baahan yahay inay si ixtiraam leh u ciyaaraan''.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ciyaaryahan Leroy Sane oo ku dhaawacmay kulankii Cardiff bishii Janaayo

Uefa ayaa sheegay in garsoorayaasha ay marwalba ka digtoonaadaan ka go'aan qaadashada arrimaha ciyaaryanka si aysan u abuurin shaki.

Kooxda Manchester City ayaa haatan ku sugan Basel, Tottenham-na waxey u kicitimeysaa dhankaa iyo kooxda Juventus lugta koowaad ee Horyaalka Yurub ee 16-ka koox maanta oo Talaado, halka Liverpool-na ay foodda is dari doonaan kooxda Porto maalinta Arbacada ah.

Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa la kala ciyaari doona kooxaha Barcelona iyo Seville Horyaalka Yurub lugta koowaad toddobaadka dambe.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan