Antonio Conte: Barcelona waan ka saari doonaa horyaalka Yurub

Lionel Messi celebrates scoring for Barcelona against Chelsea Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Lionel Messi ayaa ka faa'iideystay qalad uu sameeyey daafaca Chelsea, si uu xaqiijiyo helidda goolka barbar dhaca

Kooxda Chelsea, ayaa ku dadaali doonta in ay sameyso wax layaab leh, iyadoo ka saari doonta tartanka Champions League-ga kooxda Barcelona, sidaasi waxaa yiri maamulaha ahna tababaraha Chelsea, kadib markii ay barbaro ku dhamaatey is araggoodii ee lugta koowaad.

Weeraryahan Willian ayaa kooxdiisa reer Funaanad Buluug xaley u dhaliyey, gool dahabi ah ciyaartii ka dhacdey gagidda ciyaaraha ee Stamford Bridge, taasoo niyadda kooxda kor u qaadey, ha yeeshee Lionel Messi ayaa ka faa'iideystay qalad uu sameeyey daafaca Chelsea, si uu xaqiijiyo helidda goolka barbar dhaca 1 - 1, 15 daqiiqo kadib goolkii Chelsea.

Kooxda Barcelona uu ku hoggaamineysa horyaalka Spain ee La Liga-ha toddobo dhibcood oo nadiif ah, ayaa waxaa Barcelona la galiyey qalqal ka hor inta aaney helin goolka barbar dhaca.

Kulanka caawa ee Chelsea iyo Barcelona

Barcelona oo fasaxday Neymar

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Andreas Christensen ayaa Chelsea la saxiixday qandaraas cusub bishii hore

"Waxaan ku dhawaannay ineynu keenno kulan aynu gacan sareyntiisa innagu leenahay," ayuu yiri Conte.

"Waxeynu sameynay qalad qura. Way qaraar tahay taasi, waynuna ka niyad jabnay uggu danbeyntii natiijadii soo baxdey."

Ciyaaryahan Christensen, oo dadiisu tahay 21 jir, ayaa u saftay saddex kulan kooxda Chelsea xili ciyaareedkan, laakiin wuxuu u ciyaaray kooxda 31 jeer illaa iyo intii uu kusoo biirey.

Mowduucyada la xiriira