Swansea oo sanado badan kadib gaartey afar dhamaadka Koobka FA-da

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Swansea 2-0 ayay uga raysay Sheffield Arbacadii

Kooxda Swansea City ayaa gaartey heerka afar dhamaadka ee Koobka FA-da markii uggu horeysay illaa iyo 1964-tii, ka gadaal markii ay 2-0 ku garaacdey kooxda Sheffield garoonka Liberty.

"Sanaddii 1964-tii waxaa kasoo wareegtay xili dheer," ayuu yiri madaxa kooxda Swans Carlos Carvalhal. "Waan ogahay arrintani, maxaa yeelay waxaan dhashey 1965-tii. Haatan waxey haysaa kooxda wado wanaagsan xiligaa hore kadib, tani waa qeyb yar oo kamid ah taariikhda kooxda waana ku faraxsanahay. Aad baan ugu han weynahay ciyaar yahanadeeda."

"Markii aanu dhalinay labada gool, waxay kooxdu gashey difaac adag," ayuu yiri Carvalhal. "Waxaan sameynay difaac adag, si aan u xajisano guusha."

Swansea ayaa la ciyaari doonta kooxdii kasoo baxda ciyaarta ka dhaceysa garoonka Wembley Arbacada, oo dhex mari doonta Tottenham iyo Rochdale.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mark Lawrenson oo BBC-da ciyaaraha uga falooda ayaa u doortay Ayew ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ciyaarta

'Ma aynaan saarin cadaadiskii aanu dooneynay'

Madaxa kooxda Sheffield Jos Luhukay ayaa yiri "Waxaan filayaa in ciyaartii u dhaxeysay labada kooxood qeybteedii hore ay aheyd mid dheeli tiran, waxaan helnay labo ama saddex fursadood oo aannu goolal ku dhalin karnay.

"Qeybta labaad ee ciyaarta, ma aanaan saari Karin cadaadiska aan dooneynay, Swansea ayaa dhalisay goolkeedii labaad, markaa kadib, waxaa adkaatey sidii aan dib uggu soo kaban laheyn''.

"Innaga waxay indhahayagu ku foogan yihiin waa horyaalka weyn ee Premier League-ka, ha yeeshee iminka sidoo kale tartankan waa inoo muhiim," ayuu yiri Carvalhal.

"Haatan waxaan ku jirnaa xaalad wanaagsan, taasoo laga yaabo iney inoo saamaxdo inaan kulan ciyaareed kaga qeyb galno garoonka Wembley", ayuu sii raaciyay

Mowduucyada la xiriira