Hoggaamiyaha Jarmalka oo qarka u saaran in ay dhisto dowlad wadaag ah

Jarmalka Lahaanshaha sawirka Getty Images

Hogaamiya Garmalka Angela Merkel ayaa qarka u saran in ay dhisto dowladeeda afaraad kadib markii xisbiga mucaaradka ee Social Democrats uu u codeeyay in uu ku biirayo dowladd wadaagga.

Arrintaan ayaa waxa ay soo afjareeysa shan bilood oo is qabqabsi siyaaded ka jiray dalka Jarmalka tan iyo doorshadii Sebtembar ka dhacday dalkaasi.

Mrs Merkel, oo 12 sano madax ka ahayd Jarmalka ayaa u hambalyeysay xisbiga SPD Waxa ayna sheegaty la shaqeeyneeyso Xisbiga si uu wadanka horay ugu socdo.

Markel oo lumisay 65 kursi doorashadii dhacaday ayaa ku guul dareeysatay in ay dowlad wadaag ah la dhisto xisbiyada liberal Free Democrats (FDP) iyo Greens.

Waxa lagu khasbay in ay bixiso kharash badan si ay u sii waddo jiritaanka is baheeysiga. Wasiirka Maaliyadda waxa uu ka Iman doona xisbiga Social Democrat.