Man Utd iyo Tottenham oo foodda isku daridoona koobka FA-ga

Man United Lahaanshaha sawirka Reuters

Kooxda Manchester United ayaa la dheeli doonta Tottenham, Halka Chelsea-na ay fooda iska daridoonaan Southhampton.

Tottenham ayaa markii labaad oo xiriir ah iska soo xaadirisay afar dhammaadka koobka FA-ga iyada oo Sabtidii ka soo badisay Swansea.

Halka Manchester United oo koobkan soo qaaday 12-jeerna ay ka soo badisay Brighton.

Chelsea ayaa wakhtigii dheeriga ahaa lagu daray kaga badisay kooxda Leicester City.

Kooxda Southampton waxay koobkan ka saartay Wigan oo ka dheesha koobka League One.

Ciyaarahaasi waxay garoonka Wembley ka dhici doonaan 21 iyo 22ka bisha Abriil.

Mowduucyada la xiriira