Gomez oo laga saaray liiska xulka qaranka England

Gomes Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Gomes

Joe Gomez oo u dheela kooxda Liverpool ayaa laga saaray liiska xulka England wuxuuna ku laabtay naadigiisa isaga oo baaritaan dheeri ah lagu samayn doono dhaawicii soo gaaray Jimcihii, markii ay 1-0 kaga badiyeen xulka Netherlands.

Labaatan jirkan difaaca ka dheela ayuu dhaawac ka soo gaaray anqawga markii uu qiyaastii 10 daqiiqo ku jiray ciyaartii saddexaad ee uu qarankiisa u safto.

England ayaanse qorshaynaynin in ay u yeerto ciddii badali lahayd marka ay dheelayaan ciyaarta saaxiibtinimo ee u soo hprraysa oo ay Talyaaniga la leeyihiin Talaadada.

Gomez ayaa 29 u dheelay Liverpool marka la isku daro dhammaan ciyaaraha xilli ciyaareedkan.

Mowduucyada la xiriira