FIFA oo baaraysa aflagaado lagula kacay ciyaartooy Faransiis ah

FIFA oo baaraysa aflagaado lagula kacay ciyaartooy Faransiis ah Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption FIFA oo baaraysa aflagaado lagula kacay ciyaartooy Faransiis ah

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa eegaya eedeymo ah in aflagaadu cunsuriyaysan lagula kacay ciyaartooy Faransiis ah oo qeyb ka ahaa kulankii saaxiibtinnimo ee uu xulkaasi 3-1 uga badiyay dhiggiisa Ruushka.

FIFA ayaa sheegtay inay ururinayso xog ku aaddan sida ay wax u dhaceen.

Paul Pogba oo Manchester United u dheela iyo Ousmane Dembele oo Barcelona u ciyaara ayaa la sheegay inay ka mid yihiin ciyaartooyda cunsurinnimada lagula kacay.

Ciyaarta ayaa ka dhacday garoonka KRESTOVSKY ee magaalada Saint Petersburg, waxaana uuna ka mid yahay garoomada ay ka dhici doonaan ciyaaraha koobka adduunka.

Wasiirka ciyaaraha ee Faransiiska, Laura Flessel, ayaa sheegtay inay kaashan doonto xiriiradda Yurub iyo kuwa caalamiga ah si wax looga qabto ficilkaasi aan la aqbali karin.

Mowduucyada la xiriira