Liverpool ku durdurisay Man City oo la loodin la'aa

Maxamed Saalah ayaa xilli ciyaareedkan 38 gool u dhaliyay kooxdiisa Liverpool

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka,

Maxamed Saalah ayaa xilli ciyaareedkan 38 gool u dhaliyay kooxdiisa Liverpool

Kooxda Liverpool ayaa xalay saddex iyo eber ugu awood sheegatay Manchester City oo ay isaga horyimaaddeen is aragii hore ee rubac-dhammaadka tartanka Horyaallada Yurub.

Kooxda Liverpool ayaana marti loogu ahaa garoonkeeda Anfield.

Ciyaartoyda Liverpool waxay halkaas ka dhigeen wacdaro oo waxaad moodaysayba 32dii daqiiqo ee ugu horeeyey ciyaarta in aanay kubbada taabanayn ciyaartoyda Man City.

Maxamed Salaax ayaa gool dhalinta u billaabay kooxdiisa wuxuuna noqday midkiisii 38-aad ee uu u dhaliyo Liverpool.

Laba iyo toban daqiiqo ka dib ayaa Alex Chakberlain isna isla siddeed daqiiqo uun ka dib shabaga ku husbsaday.

Goolkii saddexaad ee isna aadka loogu riyaaqay waxa dhaliyey Sadio Mano.

Waxaanad moodaysay wacdarahii halkaa ka dhacay xalay in ay si u rumaynayeen saadaal uu hore u sii sheegay tabobaraha Man City oo ahayd in saddexda weeraryahan ee Liverpool, waa Salaax, Mane iyo Firimino ay yihiin rag aan la loodin karin.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Guardiola ayaa toddobo jeer guuldarro kala kulmay 13 jeer oo ay iska horyimaadeen tababare Klopp

Hase yeeshee intii aan ciyaartu bilaabanin ayaa baskii siday ciyaartoyga Man City waxa lagu weeraray garoonka Anfield hortiisa.

Tabobare Pep Guardiola ayaana sheegay in ay qaadan waa ku noqotay in booliisku ay ka hortagaan arrintaas oo ay filayeen in ay dhacayso.

Liverpool ayaa raali galin ka bixisay waxayna falkaa ku sheegtay wax aan haba yaraatee la aqabali karin.