Maxamed Saalax oo noqday ciyaaryahanka ugu gool dhalinta badan ciyaartoyda Afrika ee Horyaalka Ingiriiska

Maxamed Saalax, laacibka Liverpoolka iyo xulka Masar Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Maxamed Saalax, laacibka Liverpoolka iyo xulka Masar

Weerraryahanka kooxda kubadda cagta ee Liverpool iyo xulka qaranka Masar, Maxamed Saalax, ayaa xilli ciyaareedkan noqday ciyaaryahanka ugu gool dhalinta badan ciyaartoyda Afrika ee ka dheesha Horyaalka Ingiriiska.

Goolkii uu xalay oo Sabti aheyd ka dhaliyay kooxda Bournemouth ciyaar ka tirsaneyd Horyaalka Ingiriiska ayaa tirada goolasha uu xilli ciyaareedkan u dhaliyay kooxdiisa Liverpool waxa uu ka dhigay midkiisii 30-aad ee Premier League-ga, iyadoo weliba ay kooxdiisa u harsan tahay afar ciyaarood taas oo laga yaabo in ciyaaryahanku uu goolal kale ku dhaliyo.

Saalax ayaa rikoorka uu haatan u dhigay ciyaartoyda Afrika ee ka dheesha Horyaalka Ingiriiska waxa uu kala wareegay laacibkii hore ee xulka Ivory Coast iyo kooxda Chelsea, Didier Drogba, kaas oo xilli ciyaareedkii 2009/10 kooxdiisa u dhaliyay 29 gool.

Maxamed Saalax ayaa dhanka kale goolkii uu xalay ka dhaliyay kooxda Bournemouth waxa uu ahaa goolkiisii 40-aad ee uu xilli ciyaareedkan u dhaliyo kooxdiisa Liverpool taas oo ka dhigayso ciyaaryahankii ugu horreeyay ee afartan gool dhaliyaa hal xilli ciyaareed tan iyo ciyaaryahan Ian Rush oo xilli ciyaareedkii 1986-87 kooxdaasi goolal tiradaas oo kale ah u dhaliyay Liverpool.

Mowduucyada la xiriira