Xulka 17ka ka yar ee Soomaaliya oo rajo fiican leh
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xulka 17ka ka yar ee Soomaaliya oo rajo fiican leh

Xulka K/cagta ee qaranka Soomaaliya ee da'doodu ka yar tahay 17ka sano ayaa dalka Burundi kaga qayb galaya cayaaraha CECAFA ee bariga iyo bartamaha Afrika ee cayaartoyda ay da'doodu ka yar tahay 17ka sano.

Ilaa hadda waxaa u suurto gashay inay hal cayaar badiyaan, midna barbarro galaan.

Lahaanshaha sawirka CECAFA
Image caption Cayaartii dhex martay Soomaaliya iyo Itoobiya
Lahaanshaha sawirka CECAFA
Image caption Cayaartoyda oo kursiga kaydka fadhiya

Guruubkooda waxaa hogaaminaya xulka Kenya oo goolal ku horreeya.

Haddaba heerka diyaar garowga kooxda, iyo cayaarihii ay cayaareen, iyo su'aalo tartamadooda la xiriira ayuu Faarax Lamaane weydiiyey tababaraha kooxda, Salaad Faarax Xasan.

Salaad wuxuu marka hore ka hadlayaa ciyaarihii ay soo cayaareen iyo heerka ay hadda joogaan.