Paul Pogba: dhib kuma qabo Jose Mourinho

Pogba Lahaanshaha sawirka Reuters

Paul Pogba oo khadka dhexe uga dheela Manchester United ayaa sheegay "in uusan wax dhib ah ku qabin" tababare Jose Mourinho, isla markaasna aysan maskaxdiisa ku jirin suuqa kala iibsiga.

Shan iyo labaatan jirkan Faransiiska u dhashay ayaan lagu billaabin labadii kulan ee Manchester United ay la yeelatay Sevilla bilihii Feebaraayo iyo Maarso.

Guuldarradii ay kala kulmeen ayaana horseeday in United ay ku harto wareegga 16ka ee koobka Horyaallada Yurub.

"Waa tababare, isaga ayaana go'aannada gaara," ayuu Pogba ku yiri telefeshinka Faransiiska ee Canal+. "Anigu ciyaartoy ayaan ahay waana in aan garoonka ku soo bandhigaa wixii aan hayo."

Pogba ayaa United ku soo biiray bishii Agoosto ee 2016kii isaga oo noqday ciyaartoygii ugu qaalisanaa adduunka ka dib markii laga soo bixiyay 89 milyan oo giniga istarliinka ah, wuxuuna xilli ciyaareedkii hore ka caawiyay in ay ku guulaystaan League Cup iyo Europa League.

Si joogto ah ayuu kooxda ugu safan jiray bilihii dambe ayayse hoos u dhacday arrintaasi, tababaraha qaranka Faransiiska Didier Deschamps ayaana sheegay in ciyaaryahankan khadka dhexe ka dheela uusan "ku faraxsanaan karin" xaaladda uu ku jiro.

Bishii Feebaraayana tababare Mourinho ayaa been ku tilmaamay warar sheegay in Pogba uu ka shalaayay ku biiridda Manchester United.

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa bishan sheegay in bishii Janaayo loo soo bandhigay Pogba si uu u gato.

Pogba ayaa sheegay in Mourihno uu ka dhigay kabtan, uuna u dhiibay fureyaasha iyo masuuliyadda kooxda wayn ee Manchester United.

"Wakhti xaadirkan, Manchester United ayaan joogaa, waxaa hadda taagan unbaana niyadda ku hayaa. Waxaa na sugaysa ciyaarta kama dambaysta ah ee koobka FA-ga, koobka Adduunka ayaana ii soo socda.

"Suuqa kala iibsiga iyo waxyaabaha la midka ah oo dhan niyada kuma hayo". ayuu hadalka sii raaciyay Pogba.

Mowduucyada la xiriira