Real Madrid oo u soo baxday ciyaarta fiinaalka ee horyaalada Yurub

Real Madrid waxa ay soo gaartay ciyaarta kama daambeysta Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Real Madrid waxa ay soo gaartay ciyaarta kama daambeysta

Kooxda difaacanaysa koobka horyaallada Yurub ee Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkii saddexaad ee is xig-xiga u soo baxday ciyaarta fiinaalka ah, ka dib markii ay xalay barbaro 2-2 ah la gashay kooxda Bayern Munich oo marti u ahayd.

Real Madrid ayaa 2-1 ku soo badisay lugtii hore ee kulanka.

Tababaraha Real, Zinedine Zidane, oo ciyaarta ka dib weriyayaasha la hadlay ayaa sheegay in kulanka xalay uu ahaa mid adag.

Real ayaa ciyaarta fiinalka la dheeli doonta Liverpool ama Roma midka caawa soo baxa.

Ciyaarta caawa oo ka dhici doonta garoonka Olimpico ee Roma ayaa waxa ay Liverpool lugta hore ku soo badisay 5-2, waxaana la sugayaa in Roma ay samayn karto mid la mid ah wacadarihii ay ku reebtay Barcelona oo ay Liverpool uga badin karto ugu yaraan 3-0.

Mowduucyada la xiriira