Dad badan oo ka barakacay guryahooda kaddib fatahaadihii ka dhashay wabiga Juba
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad badan oo ka barakacay guryahooda kaddib fatahaadihii ka dhashay wabiga Juba

Wali waxaa aynu ku guda jirnaa fatahaadaha ka dhasha roobabka gu'ge, magaalada Bardheere ee gobolka Gedo waxaa dadka deegaanka saameeyay Roobab iyo daadad kusoo rogmaday magaalada, kadib fatahaad ka dhalatay webiga Jubba ee dhex mara magaalada.

Dad badan ayaa ka baracay guryahooda, waxaana sidoo kale ay waxyeello soo gaartay dalagyadii beeraha magaalada.

Haddaba xaaladihii ugu dambeeyey ee Baardheere ayaan waxaan ka warraysannay Quraysho Aadan Cumar oo kamid ah bulshada deegaanka ahna guddoomiyaha haweenka degmada Baardheere, waxayna u warrantay Fardowso Maxamed Cilmi.