Kooxda Chelsea oo sii xoojisay loolanka ay ugu jirto tartanka Horyaallada Yurub

Chelsea Lahaanshaha sawirka Reuters

Kooxda Chelsea ayaa sii xoojisay rajada ay ka leedahay inay usoo baxdo tartanka horyaallada Yurub ee xilli ciyaareedka dambe, ka dib markii ay xalay 1-0 uga badisay kooxda Liverpool oo ay kula dheeshay Stamford Bridge.

Chelsea ayaa hadda laba dhibcood oo keliya ka hooseysa kooxda ku jirta kaalinta afarada ee Tottenham.

Dhanka kale Laacibka Gareth Bale ayaa gool qurux badan ku barbareeyay Barcelona, ciyaar ay kooxdiisa Real Madrid 2-2 ku kala baxeen kooxda qaaday horyaalka dalkaasi Spain.

Barcelona oo aan laga badin dhammaan kulamadii ay xilli ciyaareedkan ka dheeshay La Liga, ayaa waxaa kaarka cas ka qaatay Sergi Roberto oo dharbaaxay Marcelo.

Real Madrid ayaa hadda rajo ka leh inay gasho kaalinta labaad ee shaxda kala horreynta La Liga.

Mowduucyada la xiriira