Southampton oo sii noolaysay rajada sii joogidda Horyaalka Ingiriska

Southampton Lahaanshaha sawirka Getty Images

Kooxda Southampton ayaa talaabo dheer u qaaday dhanka ka sii mid ahaanshaha Horyaalka Ingiriiska ka dib markii ay ka badisay kooxda Swansea City, arrintaas ayaana horseedday in West Brom ka harto horyaalka.

Goosha uu sixiixay Manolo Gabbiadini ayaa ka dhigan in Swansea City ay hadda 3 dhibcood ka hoosayso Southampton.

Ciyaarta u dambaysa ee xilli ciyareedkanna waxay dheeli doontaa Axadda.

Southampton ayaa ka gool dhalin badnayn Swansea taas ayaana ka dhigan in ay rajo sii lahaan doonaan xitaa haddii ay guuldarro kala kulanto Manchester City, waase haddii aysan Swansea ku badinin toban gool marka ay is arkaan Stoke.

Huddersfield ayaa ku jirta kaalinta 17 waxayna isku dhibco yihiin Southampton, balse hal ciyaar oo dheeri ah ayaa u sii dhimman waxayna gorodda is dari doonaan Chelsea maalinta Arbacada ah.

Hal dhibic in ay ka soo hoyiso garoonka Stamford Bridge ayaana ku filan.

Mowduucyada la xiriira