Sir Alex Ferguson oo ka baxay qatartii caafimaad ee uu ku jiray

Image caption Sir Alex Ferguson

Tababarihii hore ee kooxda Manchester United ayaa Sir Alex Ferguson ayaa laga soo saaray qaybta degdega ah ee isbitaalkii lagu dawaynayay.

Sir Alex ayaa maalintii Sabtida ahayd lagu sameeyey qaliin xaga maskaxda ah, waxaana hadda lagu sii dawaynayaa isbitaalka Salford Royal.

Sir Alex Ferguson ayaa shaqada kooxda Manchester United ka tagay bishii May 2013-kii waxuuna ku guulaystay sodon iyo sideed koob lix iyo labaatankii sano ee uu kooxda tababarayay.

Qoyska Sir Alex Ferguson ayaa si weyn u soo dhoweeyey badqabka iyo caafimaadka Sir Alex Ferguson.

Markii ugu dambaysay ee meel fagaaro ah lagu arko Sir Alex waxay ahayd bishii la soo dhaafay mar uu hadiyad gudoonsiinayay tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger.

Arsene Wenger oo ka hadlayay caafimaadka Ferguson ayaa yiri 'Waa war wanaagsan, Sir Alex si fiican ayuu u soo shaqeeyey waxuuna istaahilaa inuu nolol fiican ku sii noolaado'

Yaya Toure oo isna ka hadlay caafimaadka Ferguson ayaa caafimaad degdeg ah u rajeeyey. Yaya Toure ayaa loo sameeyey xaflad lagu sagootinayay oo uu kooxda uga tagayay.

Sir Alex Ferguson ayaa ah macalinkii ugu guulaha badnaa taariiqda ciyaaraha Britain. Waxuu qaaday sadax iyo tobon koob oo horyaalka England ah, labo koob oo horyaalka Yurub ah iyo shan koob oo koobka FA-ga ah.

Sir Alex Ferguson waxuu qabtay xilka macalinimada Kooxda Manchester United bishii November 1986-dii.

Mowduucyada la xiriira