Maxaa ka jira in Weyne Rooneey uu u wareegayo Maraykanka?

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Wayne Rooney

Wayne Rooney oo u ciyaara kooxda Everton ayaa ogolaaday heshiis uu kooxda uga tagayo isagoo ku biiraya kooxda DC United ee dalka Maraykanka.iyadoo ay hadda socdaan wadahadalo amuurtaasi la xiriira.

Wakiil matalaya ciyaaryahankan Wayne Rooney ayaa dalka Maraykanka ku sugan si uu arrinkani ugala hadlo kooxda DC United.

Wayne Rooney ayaa kooxda Everton ku soo biiray bishii July ee sanadkii 2017-kii markii uu ka soo tagay kooxda lagu naanayso Shayaadiinta Cascas

Mudo 13 xili-ciyaareed ah ayuu la joogay kooxda Manchester United, isagoo markiisii horena laga soo gatay kooxda Everton xiligaasoo da'diisu ay ahayd 18 jir.

Waxuuna Wayne Rooney noqday ninka ugu gool dhalinta badan Manchester United, waxuuna kooxda la qaaday shan koob oo horyaalka England ah iyo hal koob oo horyaalka Yurub ah.

Weyne Rooneey ayaa si weyn loogu xusuustaa waayihii uu macalinka u ahaa Sir Alex Ferguson ee ay kooxda Manchesterr United ahayd kooxda ugu guusha badan England.

Waxaana hadda la xaqiijinayaa in loo soo bandhigay qandaraas socon doona ilaa sanadka 2010-ka.

Wayne Rooney ayaa kooxda Everton u saftay oo kaliya 31 ciyaar, ciyaarahaasi qaar ka mid ah ah waxaa uu fadhiyay banaanka kaydka ciyaartoyda.

Xaga ciyaaraha caalamiga ah Weyne Rooneey waxuu qaarankiisa u saftay tartano badan oo koobka aduunka iyo waliba tartanka qaarada Yurub ah.

Mowduucyada la xiriira