Manchester United oo qarka u saaran iibsashada ciyaaryahan cusub

Fred ayaa dhaliyay 10 gool 53 jeer oo u saftay kooxda Shakhtar Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Fred ayaa dhaliyay 10 gool 53 jeer oo u saftay kooxda Shakhtar

Kooxda Manchester United ayaa la filayaa inay soo iibsato Fred oo qadka dhexe uga dheela kooxda Shakhtar Donetsk.

Ciyaaryahanka u dhashay dalka Barazil ayaa ciyaartiisii ugu dambaysay u dheelay dalkiisa Brazil xalay oo labo iyo eber ay uga badiyeen kooxda dalka Croatia

Fred waa 25 jir waxuuna kooxda Manchester United u marayaa tijaabada caafimaadka ka hor intuusan u wareegin garoonka Old Trafford, waxaana lagu iibsanayaa lacag gaaraysa 52 milyan oo gini ingiriiska ah.

Macalinka tababara kooxda Brazil Tite ayaa sheegay inuu doonayo in ciyaartoydiisa ay heshiisyada la dhamaystaan kooxaha ay u wareegayaan ka hor intaanan la aadin koobka aduunka

Tabaraha Brazil ayaa yiri 'Hadaan ahaan lahaa macalin koox layliya waan iibsan lahaa ciyaaryahankan'

Hadii ay wax walba si wanaagsan u dhacaan, ciyaaryahankan waxa uu noqonayaa midkii ugu horeeyey ee uu macalin Jose Mourinho soo iibsado.

Macalin Mourinho waxaa kaloo uu isha ku hayaa 19-jirka u ciyaara kooxda Porto Diogo Dalot.

Fred ayaa kooxda Shakhtar ku biiray sanadkii 2013-kii, waxuuna ka tirsanaa xulkii Brazil ee ka qaybgalay koobkii Copa America.

Kooxda Manchester United ayaa xili ciyaareedkii u dambeeyey ku dhamaysatay lambarka labaad, mana aysan qaadin wax koob ah.

Macalin Mourinho ayaa dhaleecayn kala kulmaya taageerayaasha kooxda oo doonaya in wax weyn laga badalo kooxda oo sanadahan dambe hoos u sii dhacaysay.