Pyongyang oo xilka ka qaadday saraakiil sar sare

Kuuriyada Waqooyi Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kuuriyada Waqooyi

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo warramayaa in dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ay xilka ka qaaday wasiirka gaashaandhigga, madaxa ciidamada iyo agaasimaha xafiiska guud ee siyaasadda.

Warkan oo laga soo xigtay warbaahinta Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa waxaa xaqiijiyay sarkaal Maraykan ah oo aan magaciisa la shaacin.

Qaar ka mid ah dadka ka faallooda arimaha Kuuriyada Waqooyi ayaa rumaysan in Kim Jong-un oo ka baqay kacdoon milateri, xilli uu wadahadal ku aaddan baabi'inta hubkiisa la galayo madaxweyne Trump.

Shacabka Kuuriyada Waqooyi ayaa muddo badan loo sheegay in Maraykanka uu yahay cadow gumaysi doon ah.

Haseyeeshee warbaahinta qaranka ee dalkaasi ayaa maalmihii dambe yareysay dacaayadda ka dhanka ah Maraykanka, waxaana ay ka hadlaysay wadahadalka uu Kim Jong-un la yeelan doono Trump iyo weliba qaabkii gacanka Kuuriya looga dhigi lahaa mid ka caaggan hubka nukliyeerka ah.

Mowduucyada la xiriira