Koobka adduunka 2018: Ruushka oo amniga damaanad qaaday

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ilaa 12 magaalo ayey ka hawlgalayaan
Qoraalka sawirka,

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ilaa 12 magaalo ayey ka hawlgalayaan

Xarunta laga socdo dhaqdhaqaaqyada ee Kaliningrad, ayaa hawlwadeennada jooga waxay isha ku hayaan waxa magaalada ka soconaya.

Ayagoo fadhiya kombiyuutarradooda ayaa shaqaalahaas waxay isha ku hayaan 700 oo ah kaamarooyinka CCTV. Ilaa 1,200 oo kaamarooyin dheeraad ah ayaa lagu xiray garoonka Kaliningrad, halkaasoo England ay kula cayaari doonto Belgium 28 Juun.

Ayadoo la adeegsanayo tiknoloojiyada lagu garto wajiyada dadka, ayaa dadka qof-qof looga hubinayaa kombiyuutarka dhexe ee booliska muddo sekenno gudahood ah. Qaababkaas xagga amniga ah oo kale ayaa laga hirgaliyey magaalooyinka ay ka dhacayaan cayaaraha adduunka.

"Marka laga hadlayo la dagaallanka argagixisada, hanaankan wuxuu gacan ka gaysanayaa in la ogaado halka ay joogaan shaqsiyaadka laga shakisan yahay" sidaa waxaa yiri Sergei Evstigneev oo ka tirsan dawlad goboleedka Kaliningrad. "Wuxuu u saamaxayaa booliska inuu la socdo dhaqdhaqaaqooda, uuna ka falceliyo xaalad kasta" ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

32ka kooxood ee tartanka ka qayb galaya mid kasta amnigeeda ayey doonaysaa in gaar loo sugo

Laakin Kaamarooyinka amniga waa talaabada ugu horreysa ee difaaca.

Magaalada Kaliningrad, xoogagga amaanka ee maxalliga ayaa tababar ku qaadanayey si ay uga fal celin karaan haddii uu dhaco weerar argagixiso inta uu socdo koobka adduunka.

Mid ka mid ah tijaabooyinka ay samaynayeen, ayaa kooxda loogu yeero "Spetnaz" waxay dallaayado ku soo degeen garoon kubadeed, si ay wax uga qabtaan xaalad ku saabsan dad qafaal ahaan loo haystay.

Fiidiyow ku saabsan tababarka oo ay sii deysay hay'adda amniga gudaha Ruushka ee FSB, ayaa waxaa ka muuqday ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo ku hubaysan qoryaha Kalashnikov oo xaqiijinaya amniga goobta.

Ruushku wuxuu ogsoon yahay in hawlgalka milateri ee uu ka wado Suuriya uu ka dhigayo bartilmaameed ay beegsato argagixisada.

Todobaadyadii u dambeeyey, ayaa taageerayaasha kooxda dawladda islaamiga waxay soo saareen digniin ay Internetka soo mariyeen oo ka dhan ah cayaaraha adduunka.

Taasi waxaa laga yaabaa inay noqoto arrin cabsi leh, laakin mamulayaasha Ruushku ma dhayalsanayaan. Waxay hawlgaliyeen milateriga, ciidanka badda iyo kuwa cirka si loo xoojiyo amniga.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Dadka garoonka ku soo dhex booda il gaar ahaa lagu eegi doonaa

FSB waxay sheegaysaa inay ogaatay kooxo argagixiso ah oo jooga dhowr magaalo oo ay ka dhacayaan cayaaraha adduunka, kuwaasoo ay ku jiraan , Kaliningrad iyo St Petersburg. Dad ayey durba xirxireen.

"Waxay bulshada ka dhex qabanayaan qof walba oo ay rumaysan yihiin inuu khatar keeni karo, wuxuu doonaba ha ahaadee. Way xirayaan. Waxaa dhici karta inay ku jiraan dad aan waxba galabsan, laakin waxay rumaysan yihiin in la xiro xataa dad aan waxba galabsan si uusan u fakan qof argagixiso ah" sidaa waxa yiri Pavel Felgenhauer oo falanqeeya arrimaha amaanka.

Waxaa caqabad weyn ah amniga oo aan ahayn oo kaliya ilaalinta garoommada lagu cayaarayo, balse sidoo kale ay tahay in la sugo garoommada tababarka lagu qaato, meelaha loogu tala galay taageerayaasha, goobaha aadka u saxmadda badan ee dadweynuhu isugu yimaadaan, meelaha laga dukaamaysto iyo gaadiidka dadweynaha.

Xigashada Sawirka, BBC Sport

Qoraalka sawirka,

Magaalooyinka ay ku yaallaan garoommada ay cayaaruhu ka dhacayaan

Magaalooyinka ay ku yaallaan garoommada ay cayaaruhu ka dhacayaan

  • 1&2: Moscow (garoommada Luzhniki iyo Spartak)
  • 3: Nizhny Novgorod
  • 4: Saransk
  • 5: Kazan
  • 6: Samara
  • 7: Yekaterinburg
  • 8: St Petersburg
  • 9: Kaliningrad
  • 10: Volgograd
  • 11: Rostov-on-Don
  • 12: Sochi