Wixii ku seegay intii uu socday Koobka adduunka

Image caption Heshiis 4 sano ah oo ku kacay $154 malyan ayuu ugu wareegay Lakers

LeBron James oo ku biiray LA Lakers

Si aan hore loo sii shaacin oo aan la buunbuunin ayaa loo sheegay in LeBron James uu ku biiray LA Lakers. Waa markii labaad ee uu ka tago Cleveland Cavaliers.

Waxa aan la sii shaacin waa in ay soo daba socdaan rajon Rondo, JaValee McGee iyo Lance Stephenson.

Image caption Ronaldo waa cayaartoygii ugu dambeeyey ee Juventus ay soo gadato

Crisitiano Ronaldo oo heshiis la saxiixday Juventus

Ka dib markii uu 438 goor u saftay, 450 goolna u dhaliyey Real Madrid, xiddiga Portugal u dhashay ee magaciisa loo soo gaabiyo CR7 wuxuu kooxda Serie A ugu xoogga badan ugu wqareegay $116 Malyan.

Waa mid ka mid ah heshiisyadii ugu muhiimsanaa ee lagu dhamaystiray todobaad gudihiis, ka dib markii uu 33 jirkaas ka soo laabtay koobka adduunka.

Image caption Waa markii 4aad ee uu Djokovic qaado koobka Wimbledon

Novak Djokovic oo ku guulaystay Wimbledon

Markii uu imaanayey Wimbledon, Djokovic wuxuu ku jiray kaalinta 12aad ee laacibiinta Tenniska, dhaawacyana waa qabay, laakin caqabad kuma aysan noqon. Wuxuu Semifinalka ka badiyey rafael Nadal, cayaarta kama dambaysta ahna wuxuu garaacay Kevin Anderson.

Anderson oo u dhashay South Africa wuxuu semi finalkii labaad ee taariikhda koobka Wimbledon ugu dheeraa kaga soo badiyey John Isner, ka horna wuxuu soo garaacay Roger Federer.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Weerar khad dhexe ah ayuu cayaaray muddo 35 daqiiqo ah

Wayne Rooney oo ku biiray D.C United

Ka dib kala wareeg dheer, oo lagu tilmaamay xataa inuu ka dheeraa oloeyaasha madaxweynayaasha, ayaa laacibkii Manchester United iyo xulka Ingiriiska, wuxuu aakhiritaankii ka gudbay badda Atlantic, isagoo heshiis la saxiixday kooxda D.C United.

Cayaartiisii ugu horreysay ayuu beddel ku soo galay, ayadoo kooxdiisu ay 3-1 Axaddii kaga badiyeen Vancouver Whitecaps.

Mowduucyada la xiriira