Ururka WTA oo taageeray Serena Williams caradii ay kala dul dhacday garsooraha

Serena waxaa lagu eedeeyey inay aflagaadeysay garsooraha Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Serena waxaa lagu eedeeyey inay aflagaadeysay garsooraha

Sheegashada Serena Williams ee ku saabsan in dumarnimo lagu cunsuriyeeyay ciyaartii kama dambeysta ee US Open ayaa waxaa taageeray ururka dumarka ee ciyaartoyda Tennis-ka ee Mareykanka.

Madaxa ururka WTA Steve Simon ayaa sheegay sharci dhowrihii ciyaarta uu kulankii dhacay Sabtidii Williams u muujiyay nooc dulqaad ah oo ka duwan kii loo sameyn lahaa haddii ay ahaan lahayd nin.

Haweeneydaan ayaa tilmaamo ka heshay tababareheeda intii ay ciyaarta socotay, taasoo sharci darro ah, waxaana looga jaray dhibco halka ganaaxyo kalena loogu riday af-lagaaddadii ay u geysatay sarkaalka sharci dhowraha ciyaarta ahaa, oo ay ku tilmaantay inuu beenaale yahay oo uu waliba tuug yahay.

Serena Williams ayaa ku guul darreysatay ciyaartaas oo ay isaga hor yimaadeen ayada iyo gabadha ka socotay Japan ee lagu magacaabo Naomi Osaka.

Williams oo arrintaas aad uga carootay ayaa kala jabisay ushii ay ku ciyaareysay.

Sharci dhowrihii ciyaarta oo lagu magacaabo Carlos Ramos ayaa dhibcaha ka jaray ka dib markii uu arkay tababareheeda Patrick Mouratoglou oo tilmaamo gacmaha ka siinaya.

Tababaraha oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa markii dambe qirtay inuu khaladkaas sameeyay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mouratoglou wuxuu tababare u ahaa Serena tan iyo 2012

Ururka ciyaartoyda tenniska dumarka ee Mareykanka oo sii sharraxay taageerada ay u muujiyeen Serena ayaa sheegay in ganaaxii guul darrada dhabarka loogu saaray uu ahaa "cunsuriyad ka dhan ah dumarka"

"Ururka WTA wuxuu aamisanyahay in aan loo baahneyn farqiga u dhexeeyay dulqaadka loo muujiyo haweenka iyo raga," ayuu Simon ku yiri bayaan uu soo saaray.

"Ma aaminsanin in arrintaan ay dhacday xalay."

Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in tilmaamaha tababareyaasha loo fasaxo guud ahaan ciyaaraha.

Dhanka kale madaxa golaha ciyaaraha Tennis-ka ee Mareykanka oo agaasima tartanka US Open, ayaa tiri "Ciyaartoyda ragga ah way la kulmaan ganaaxyada noocaas ah, wax af lagaaddo ahna ma geystaan".

Katrina Adams ayaa intaas ku dartay "Waxaan daawannaa raggu iyagoo maalin walba waxaan sameynaya".

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Serena waxay garsooraha ku eedeysay faquuq dumarka u gooni ah

Williams ayaa lagu amray iney bixiso ganaax lacageed oo dhan $17,000 (£13,100) oo ay ku muteysatay qalalaasaha ay sameysay oo ay ka mid yihiin erayada af lagaaddada ah ee "beenaale" iyo "tuug" ee ay ku tiri Ramos.

Hase ahaatee, abaal marin lacageed oo dhan $1.85m (£1.43m) ayay ku kasbatay dadaalkii ay ku timid ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka.

Williams, oo 36 jir ah ayaa 23 jeer oo hore ku guuleysatay tartankaas, waxayna sannadkaan ka mid noqotay 10 haween ah oo ganaaxyo lagu soo rogay, sababo la xiriira carqaladeynta shuruucda ciyaarta.

Waxaa sidoo kale 26 nin laga ganaaxay qeybta ay ragga ciyaaraan ee tartankaas.