Iskuul ilmaha lagu barayo goolhayenimada kubadda cagta oo Cabdirisaaq Garooje uu Muqdisho ka furay

Dhallinyaro tababar qaadanaysa
Image caption Dhallinyaro tababar qaadanaysa

Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa dookh aan dunida inteeda kale ka jirin ku leh kubadda cagta, wuxuuna qof walba jecel yahay in haddiiba uu ciyaartoy noqonayo uu ka ciyaaro qeybaha hore ama dhexda, hase ahaatee fikradaas ayaa hadda u muuqata mid wax laga beddelayo.

Ciyaartoyga ka soo hanaqaada Soomaaliya ayaa inta badan diiradda saara sidii uu u noqon lahaa gool-dhaliye, khad dhexe ama difaac, balse waa dhif iyo naadir in la helo qof jecel inuu noqdo gool haye.

Dadka khibradda u leh umuuraha kubadda cagta ayaa aaminsan in caqabaddan ay sabab u tahay guul darrada xulka qaranka Soomaaliya uu mar walba kala soo noqdo ciyaaraha caalamiga ah, maadaama uusan xulku haysanin goolhayeyaal tababar wanaagsan leh ama tiradoodu ay badan tahay oo la kala xulan karo.

Cabdirisaaq Gorooje, oo horay Soomaaliya uga soo ahaan jiray ciyaartoy, gaar ahaan goolhaye, ayaa abuuray xarun tababar khaas ah loogu sameeyo dhalinyarada ka ciyaarta booska goolhayaha oo kaliya.

Image caption Cabdirisaaq Goroje oo la hadlaya dhallinyarada ka hor inta aan tababarka la aadin

"Waxaa igu kallifay dhismaha xaruntan, ka dib markii aan arkay baahida loo qabo xirfadda goolhayaha ee ka jirta Soomaaliya. Inta badan kooxaha kubadda cagta waxaad arkeysaa iney heystaan hal goolhaye ama labo kaliya. Dalkeenna Soomaaliya, qof walba wuxuu jecelyahay inuu dhexda ka ciyaaro mana jirto cid daneysa goolhayenimo" ayuu yiri Gorooje oo la hadlayay BBC-da.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in xaruntiisa tababarka goolhayeyaasha ay ka soo bixi doonaan dhallinyaro khibrad sare leh oo wax ka baddala guul darrooyinka kubadda cagta ee ragaadiyay Soomaaliya.

Macallimiinta casharrada tababarka ah ka bixiya xaruntaas waxaa ka mid ah Mustaf Maxamed Yuusuf, oo ah goolhayaha koowaad ee xulka qaranka Soomaaliya.

Mustaf wuxuu aaminsanyahay in doorka gool hayaha ee ku aaddan natiijada ciyaarta kubadda cagta uu yahay 50% marka la barbar dhigo ciyaartoyda kale ee boosaska kala duwan, sida uu BBC-da u sheegay.

Image caption Dhallinyaro da' yar oo dhegeysanaya casharka la siinayo
Image caption Xilli tababar

"Haddii aysan kooxda goolhaye fiican heysanin wax guul ah ma gaari karto, xitaa haddii ay laacibiin ku filan oo boosaska kale ka ciyaara heysato. Tababareyaasha ama macallimiinta kooxaha qudhoodu wax culeys ah iskama saaraan dhinaca goolhayaha, waxay ku dadaalaan oo kaliya sidii ay ku heli lahaayeen ciyaartoy xirfad wanaagsan u leh weerarka, dhexda iyo difaaca, waana taas midda sababta u ah dhibaatada kooxaha heysata" ayuu yiri.

Machadka barashada xirfadaha goolhayaha ee uu Muqdisho ka furay Cabdirisaaq Gorooje ayaa ah mid dhif iyo naadir ah, maadaama si gaar ah diiradda loogu saarayo horumarinta goolhayeyaasha.

Dhallinyarada xiisaysa ciyaaraha kubadda cagta ayaa hadda u muuqda kuwo soo fahmaya muhiimadda uu gool hayaha u leeyahay kooxdiisa, waxayna billaabeen iney machadkan ku soo biiraan.

Mowduucyada la xiriira