Barcelona oo guul dirqi ah ka gaartay Man United

Luis Suarez oo debaaldegaya kaddib markii uu kubad uu madaxa ku dhuftay shabaqa sii galiyay Luke Shaw Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Luis Suarez oo debaaldegaya kaddib markii uu kubad uu madaxa ku dhuftay shabaqa sii galiyay Luke Shaw

Kooxda Manchester United ayey qasab tahay inay soo bandhigto ciyaar kale oo aad u heersarreysa si ay uga soo kabsato guuladarradii xalay ay kala kulantay lugta koobaad ee rubac dhammaadka Champions League-ga.

Kooxda Barcelona ayaa guul dirqi ah kala hooyatay garoonka Old Trafford kaddib markii ay 1-0 kaga badisay kooxda ay martida u aheyd ee Manchester United.

Manchester United ayaa u muuqatay inay si wanaagsan mararka qaar kubadda iskula helaysay, balse uma aanay suuragelin inay meel wanaagsan wax gaarsiiso oo ay difaaca Barcelona culeys saarto.

Laacibka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaanan xalay u dheelin qaabkii layaabka lahaa ee uu u dheeli jiray, kooxda Barcelona oo dhanna ma aanay soo bandhigin ciyaarihii loogaga bartay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Cristiano Ronaldo oo dhaliyay goolkiisii 125 ee Champions League-ga

Dhanka kale ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu kooxdiisa Juventus u dhaliyay gool ciyaartii xalay ay barbaraha isla dhaafi waayeen kooxda Ajax lugta hore ee rubac dhammaadka koobka Champions League-ga.

Ronaldo oo ku guulaystay koobkan shan jeer oo hore ayaa waxa uu dhaliyay goolkiisii 125-aad ee Champions League-ga ka hor inta aanay dhammaan qeybta hore ee ciyaarta, weliba intuu kor u booday ayuu isagoo duulaya madaxa ku dhaliyay.

Hasayeeshee kooxda Ajax ayaa goolka iska soo gudday markii dib la isugu soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta.

Labada kooxoodba fursado kale ayey heleen hasayeeshee kama aanay faa'iidaysan.